U bood dhigaalka

Ujeeddo: Falanqeyn Warbixinta Guddiga Maaliyadda Barlamaanka Federaalka ee ku saabsan Dhaqangelinta Miisaaniyadda 2018

Sheeko:War

Waxaa farxad ah in markii ugu horreysay warbixin qiimo leh (i tus iyo i taabsii) ee ku saabsan Maamulka Miisaaniyadda 2018 ka soo baxdo Barlamaanka Federaalka oo waayahaan dambe noqday rajo beel, fadhiid.

Waxaa ididiilo (rajo) ah in Guddoomiyaha Barlamaanka hor istaagin faafinta warbixinta Guddiga Maaliyadda si dadweynuhu ula socdo dooda dhexmareysa Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ka mid ah Fulinta. Waxaa lagama maarmaan in Guddoonka Barlamaanka Federaalka taagero warbixinta Guddiyadda Maaliyadda, kana codsado fulinta (Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda) inay si hufan oo waafaqsan nidaamka dowladda uga soo jawaaban qodobbada warbixinta ka hadlayso. Barlamaanka ugama baahna talo iyo tusaale hay’adaha fulinta oo Barlamaanka ku leeyahay korjoog (Oversight). Warbixinta Guddiga waa caddahay, waxayna tilmaameysa lacago maqan, hoos u dhac dakhliga 2018, iyo ku xadgudub hab Maamulka Miisaaniyadda, waxaana loo baahan jawaab cad ee ku dhisan xisaab iyo caddeymo kale. Tusaale ahaan, ka sokow 20 milyan doolar ee ka maqan deeqdii Boqortooyada Sacuudiga, waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo sababta Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaraadka u bixin waayeen deeqaha laga sugayay 2018.

Nasiib darro, wareysi hordhac ah ee uu siiyay Idaacadaha dalka, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle oo ah aqoonyahan waayo arag wuxuu baalmaray jawaab celintii looga baahnaa, wuxuuse ballan qaaday inuu qoraal rasmi ah oo waafaqsan nidaamka xisaabaadka Dowladda, kana jawaabaya qodobbada warbixinta ku cad ka keeni doono marka uu ka soo noqdo safar uu dibedda ugu baxay.

Waxaa xusid gaar ah mudan in, sida Wasiirku xogogaal u yahay, Hay’adda IMF aysan aheyn hay’ad baaris walow ay markasta ku dadaasho inay iska hubiso macluumaadka la siiyo. Gaar ahaan, Soomaaliya waa dal la siiyo kaalmada Farsamo ee ugu badan ee IMF iyo WB bixiyaan sannadahaan si Soomaaliya u noqoto dowlad karti leh oo hanata nabadgelyada iyo maamullka Soomaaliya.

IMF waxay ku dadaaleysa in loo ceeb qariyo Soomaaliya oo lacago farabadan lagu siiyo hagaajinta Maamulka Maaliyadda Qaranka (Publci Financial Management), welina natiijo fiican laga gaarin, waxayna inta badan qaadatay xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe siiyaan madaama ay og yihiin “wixii la qariyo ay dib ka soo baxayaan, mas’uuliyaddana markasta dusha laga saarayo Soomaalida.

Wafdiga IMF ma yimaado dalka, waxaana lagula kulmaa Magaalada Nairobi, dalka Kenya, taaso Madaxda Soomaaliyeed ugu filan inay ogaadaab heerka hoose ee xaaladda dalka marayso.

Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, waxaa si gooni gooni ah laga rabaa inay bil kasta la socodsiiyaan Barlamaanka Federaalka iyo Shacabka xisaab xirka bishii la soo dhaafay ugu dambeyn 15 bisha lagu jiro, isla markaana lagu faafiyo bogga internetka hay’ad kasta, taaso aan hadda dhicin inta badan.Daahfuurta xisaabaadka Maamulka hantida Qaranka waa joogto, mana ah in la sugo sannad iyo bilo. Xisaab xirka bilaha iyo xisaab xirka waxaa u dhexeya farqiga ah in xisaab xirka sannadeedka la socdo baaris xaqiijineysa hufnaanta maamulka Maaliyadda dalka.

Gaar ahaan, Hantidhowraha Guud waxaa laga rabaa inuu soo caddeeyo waafaqsanaanta sharciga xisaabaadka dowladda. Hay’adda nabadsugidda iyo Boolista waxaa laga rabaa inay Guddiyada Barlamaanka siiyaan wixii xog dhaqaale iyo Maaliyadeed ee ay hayaan si loo sameeyo dabagal, hubin, iyo wax ka qabasho.

Waxaa nasiib darro ah in xubno xildhibaanno ah ku eedeeyaan xubnaha Guddiga Maaliyadda inay yihiin mucaarad, taaso muujineysa garashaxumida xildhibannadaas shaqada Barlamaanka iyo guud ahaan nidaamka dowladeed ee ku qeexan Dastuurka KMG ee Federaalka. Waxaa habboon in Xildhibannadaas la siiyo tababarro aqoontooda shaqo kor soo qaadeysa. .

Shaqaada Barlamaanka waa dabagal iyo sheegidda khaladaadka Dowladda sameyneyso iyo dhibaatooyinka taagan si wax looga qabto. Dowlad fiican waxay imaaneysa marka khaladaadka la sheego, kaddibna la saxo ama laga noqdo. Barlamaanka waa hay’ad la xisaabtan ee ma ahan hay’ad dabadhilif u ah Fulinta. Markii la helo qoraal ka soo baxa Wasaaradda Maaliyadda, waxaa la kala saari karaa runta iyo beenta. Iska hadal shaqo dowladeed ma ahan.

Warbixinta waxay muujineysa in dakhliga guud ee lagu tala galay ahaa $274.6 milyan, ilaa bisha Agoosta waxaa soo xarooday dakhli dhan $156.7 Milyan, halka laga filayay $ 183.06 Milyan. Farqiga dhimman ee la rabo in la soo xareeyo Setember – Disember 2018 waa $117.9 Miliyan, taaso u muuqata inaysan suuragal aheyn.

Qiyaasta dakhliga gudaha dhimman wuxuu ku dhow yahay $56.5 Milyan, halka Dakhliga Dibedda dhimman ku dhow yahay qiyaas ahaan $61.4 Milyan. Halkaas waxaa ka muuqata in beesha caalamka ka caga jiiday bixinta deeqaha kabidda Miisaaniyadda 2018. EU iyo WB waxay oggolaadeen inay ku kabaan Miisaaniyadaha 2019-2021 lacago kala ah kala ah Euro 100 milyan iyo $ 80 Milyan. Ma cadda qoondada lagu kabayo Miisaaniyadda 2018.

Waxaa muuqata in Madaxda Dowladda Federaalka aysan si fiican ula socon xaaladda Miisaaniyadda 2018 ama is yiraahdeen dadweynaha ma ogaan karaan xaaladda ba’an ee Maamulka Maaliyadda Dalka. Hoos u dhaca dakhliga iyo maamulxumada Miisaaniyadda 2018 wuxuu sabab u noqonaya hoos u dhaca bixinta Mushaaraadka iyo waxqabad kale ee Dowladda Federaalka.

Gabogabo

Waxaan qabaa in Guddiga Maaliyadda ee BF qabteen shaqo aad u wanaagsan oo bilow ah, loona baahan yahay in la taageero si buuxda. Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga sugaya qoraal rasmi ah ee muujinaya xisaab xirka rasmiga ah ee 8 bilood 2018 iyo ka jawaabidda khaladaadka qoraalka Guddiga ku qeexan.

Fadeexo aan laga hadlin waa maqnaashaha Xisaab Xirka 2017 oo weli laga sugayo Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, Waxaan shaki ku jirin in IMF iyo BA (WB) ay og yihiin fadeexaddaas oo caqabad weyn ku ah in Soomaaliya ka gudubto Barnaamijka Ilaalinta Shaqaalaha IMF (IMF Staff Monitoring Program -SMP). Ka hadalka deyn cafin iyo daabacaad lacag waa riyo waqti qaadan doonta haddii aysan Dowladda Federalka runta, xaqiiqada garowsan, aqbalin.

Dr. Maxamud M Culusow

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir [email protected]