U bood dhigaalka

UK: Munaasabad Soomaaliya Gurmad Abaareed Loogu Fidanayo Ayaa Ka Dhaceysa

Sheeko:Dalka

Xoghaya Horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska Penny Mordaunt ayaa la filayaa inay maanta la shirto deeqbixiyayaasha adduunka si ay uga dalbato inay ka qaybqaataan dedaallada loogu gurmanayo dalka Soomaaliya oo abaar soo jiitantey ay sannadadii ugu danbeyeey ka jirtey.

Munaasabadda dhici doonta waxa soo wada qabanqaabiyey Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska, dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Xafiiska Isku-xirka Hawlaha Banii’aadantinnimo (OCHA) ee Qaramada Midoobey. Waxa munaasabaddan wada furi doona Xoghaya Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarka Dhaqaale ee Soomaaliya mudane Jamaal Xasan. Waxa kale oo munaasabadda ka soo qaybgali doona Wasiirka arrimaha Afrika u qaabbilsan dawladda Ingiriiska.

Xoghayuhu waxa uu bogaadin doonaa dedaalladii ay beesha caalamku gurmadka ugu fidiyeen dadkii abaaruhu saameeyeen sannadkii la soo dhaafay ee 2017, waxayna ku baaqi doontaa in caalamku uu gacan weyn ka geysto badbaadinta nafaha 5.4 milyan oo qof oo gudaha Soomaaliya ku dhaqan kuwaas oo wajahaya xaalad adag, abaaraha waddanka ka jira awgood.

Xoghayuhu waxa uu maanta ku dhawaaqi doonaa gargaar degdeg ah oo isugu jira mid caafimaad, nafaqo iyo daawo oo loogu talagalay Soomaaliya. 54,000 oo caruur ah ayaa qorshuhu yahay in laga daaweeyo nafaqo darro ba’an oo la soo gudboonaatey. Gargaarkan waxa la rajaynayaa in Soomaaliya la gaarsiiyo ka hor intaanay dhammaan bishan March ee hadda lagu jiro.

Lacagta la filayo in Soomaaliya loogu deeqo oo dhan £24.6 milyan waxa loo qoondayn doonaa sida soo socota:

  • 54,000 oo caruur Soomaaliyeed ah ayaa laga daawayn doonaa nafaqo darro ba’an
  • 157,480 oo qof ayaa la gaarsiin doonaa biyo degdeg ah
  • 400,000 oo qof ayaa loo fidin doonaa adeegyo caafimaad oo degdeg sida ka hortagga cudurka koleeraha, talaalka hablabaasta (measles), iyo adeegyo kale oo lagu badbaadinayo nafaha dadka abaartu saamaysay.
  • 212,315 oo caruur ah, 53,333 oo ah hooyooyin uur leh iyo kuwo naas-nuujintii ku jira ayaa laga daawayn doonaa nafaqo darro.
  • Dad gaaraya 676,920 oo qof ayaa la siin doonaa lacago caddaan ah oo ay baahiyahooda asaasiga ah ku debbaraan
  • 9,850 oo qoys ayaa laga caawin doonaa inay wax beertan amase xoolo dhaqdaan. 300 oo tayuub oo biyaha lagu kaydsado ayaa la bixin doonaa, 25,000 oo qoysna waxa loo qaybin doonaa xoolo gaaraya 500,000.

Beesha caalamku waxa ay beryahanba ka digaysey abaar ba’an oo Soomaaliya ku soo food leh, waxa ayna ku baaqaysey in laga hortago waxyeellada ka iman kartaa abaarta. Munaasabaddan maanta ka dhici doonta waddanka Ingiriisku waxa ay bilaw fiican u noqon doontaa dedaallada loogu gurmanayo dadka Soomaalida ah ee abaarta la itaaldaran.

Goobjoog News