U bood dhigaalka

Uk oo cambaareysay weerarkii Hotel Hayat

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay si kulul ugu cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaad, kaasoo socday muddo 22 saacadood ka badna .

Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay dowladda iyo dadka Soomaalida sidii ay ula dagaalami kooxa argagaxisada ah sida ay hadalka u dhigeen.

Ilaa hadda tirada dadka ku dhintay weerarka ayaa la sheegay in ay kor u dhaafeyso 20 qof, waxaana sida booliiska Soomaaliya ay sheegeen laga soo badbaadiyay dad shacab ah gudaha hotel-ka.

Goobjoog News