U bood dhigaalka

UK Oo Eryeysa 23 Diblomaasi Oo Ruushka U Dhashay

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha UK Theresa May ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda ay ka eryeyso 23 diblo-maasiyiin ah, kuwaasi oo ka soo jeeda Ruushka  waxaa ayna tallaabadan fal-celin u tahay Sumeyntii sirdoonkii hore ee Ruushka.

Theresa May ayaa sheegtay in diblo-maasiyiintaan loo qabtay muddo todobaad ah si ay uga baxaan dalka UK, waxaana ku jira sargaallo ka tirsan sirdoonka oo magacooda la shaacin.

UK ayaa sidoo kale baajisay safar uu kutagi lahaa wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov magaalada London.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda UK ayaa ugu baaqday golaha ammaanka kulan degdeg ah kaas oo ku saabsan in baaritaan lagu sameeyo in Ruushka uu gacan ku leeyahay dilka Sergei Skripa oo 66 sano jir ahaa.

Goobjoog News