U bood dhigaalka

UK Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Soo Safraan Ama Joogaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth ee dalka Ingiriiska ayaa kula taliyey muwaadiniintooda in aaney u soo safrin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniinta hadda jooga gudaha Soomaaliya isaga soo baxaan goobaha uu ka digay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth, Hargeysa iyo Berbera xataa qofkii aan ku qasbaneyn waa in ay ka baxaan.

Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee taga Hargeisa iyo Berbera waxaa iyagana lagu taliyay inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah, in aaney tagin goobo isu soo bax ka socdo, isla markaana ka fogaadaan sawirada.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in argigixisada ay weerarro ku qaadi karaan dhammaan gudaha Soomaaliya isla markaana ay afduub ka fulin karaan goob walbo oo gudaha Soomaaliya ah oo ay Somaliland ku jirto.  Waxa ay argigixasada u hanjabeen reer galbeedka iyo shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya hey’adaha reer galbeedka. Waana hanjabaad ay si joogta ah ula kulmaan reer galbeedka ku sugan gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Sida qoraalka lagu sheegay, argigixisada uma meel dayaan weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, waxa ay weeraraan goobaha la isugu yimaado, xafladaha ay mas’uuliyiinta dowladda joogaan, ajaanibta iyo Hoteellada.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in ay jiraan khatar weeraro ka dhici kara biya Soomaaliya gaar ahaa gacanka Cadan iyo Badweynta Hindiya.

Goobjoog News