U bood dhigaalka

UK: Waxaan Caawinnaa Haweenka Soomaalida Ee Ku Jira Baarlamaanka, Bulshada Rayidka Iyo Militariga

Sheeko:Baarlamaanka

Ambassador Matthew Rycroft, oo ah safiirka joogtada ah ee UK u fadhiya  qaramada midoobey ayaa ka sheegay kulan gaar ah oo golaha ammaanka uga doodeen arrimaha Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka in ay taageeraan haweenka dunida, Afrika waxaa uu ka soo qaatay dalka Soomaaliya.

“Boqortooyada waxaa ay ballan-qaaday in ay xoojin-doonaan sida haweenka loo taageero gaar ahaan kuwa ku nool dalal ka soo baxay dagaallada sokeeye” ayuu intaasi raaciyay.

Safiirka UK ee QM,  haweenka ay taageerto boqortooyada dalalka ay joogaan waxaa uu ku sheegay dalalka Soomaaliya, Syria, Yemen iyo Afghanistan.

Sida uu sheegay Ambassador Matthew Rycroft, waxaa kale oo ay caawiyaan haweenka ku jira baarlamaannada dalalkaas, haweenka bulshada rayidka ah, haweenka ku jira militariga iyo qaar ganacsato ah.

Meelaha kale UK ay ka caawiso haweenka waxaa uu ku sheegay sidoo kale dhibka loogu geysto arrimaha jinsiga, ceebta ka dhalata dambiyadaasi, isaga oo ku dhiirigeliyay dalalka in ay ka hortagaan arrimahaasi.

Tusaale ahaan ka hortagga dambiyada la xiriira jinsiga waxaa ay UK ugu talo-gashay 23 mashruuc kaas oo laga hirgeliyay dalalka ka soo baxay dagaallada sokeeye.

Lacagta arrimahaasi ku baxeyso waa $2 million, iyaga oo ugu baaqay dalalka kale in ay ka qeyb-qaataan.

Goobjoog News