U bood dhigaalka

UN: Imaaraadka Carabta Ma Caawin Soomaalida La Laayey, Welina Waa Qarinayaan Dilaaga Iyaga Oo Og

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay ka soo saartay cidda dishay 42 Soomaali ah oo ciidamada Sacuudiga iyo xulafadiisa ku dileen xeebaha dalka Yemen ku sheegay in dalka Imaaraadka carabta uu ku guul-dareystay kaalmeynta qaxootiga la dilay kadib markii uu ogaadeen in ay rayid yihiin.

Warbixinta waxaa ay wax lala yaabo ku tilmaantay in Ciidamada Imaaraadka markii ay ogaadeen dadka duqeynta ku dhintay yihiin rayid sababta ay ugu gurman weysay, waxaana xulufada lagu eedeeyay in ay dileen dadkaasi Soomaalida qaxootiga ah.

“Imaaraadka oo goobta ka ag dhawaa, waxaa ay caawin kareen dadka dhaawaca ah, laakin guddiga baaritaanka sameeyay waxaa ay sheegeen in Imaaraadka aaney waxba sameyn, gacmanaha ka qabsadeen, waxaa intaa dheer waxaa ay diideen xitaa in ay sheegaan cidda dilka geysatay iyaga oo og arrinkaas.

Xulafada uu Sacuudiga hogaaminaayo, weli ma qiran dilka, waxaana qoraalka qaramada midoobey lagu sheegay in ay doonayaan in la qariyo.

Goobjoog News