U bood dhigaalka

UNHCR Oo Kenya Ka Codsatay In Qaxootiga Soomaalida Siiyaan Xorriyad Ay Ku Ganacsadaan

Sheeko:Dalka

Maxamed Cabdi Afey, ergayga gaarka ee hay’adda UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga Soomaaliya ayaa sheegay in ka hay’ad ahaan ay ka dalbanayaan dowladda Kenya in ay qaxootiga ku sugan dalkeeda siiso xorriyad ay ku ganacsadaan.

Waxa uu sheegay Afey, in qaxootiga loo arko iney culeys ku yihiin dalalka ay ku sugan yihiin, balse haddii xorriyad la siiyo ay faa’ido keeni karaan.

“Qaxootiga in lagu daro horumarinta dhaqaalaha waa mid ka mid ah xalalka” ayuu yiri Ambassador Afey.

Sidoo kale, Afey ayaa sheegay in Kenya haddii ay xorriyad ganacsi ay siiso qaxootiga uu dalkooda keeni geli karo isbedallo badan oo ka duwan midka hadda jira.

Soomaali badan ayaa qaxooti ku ah gudaha dalka Kenya, ma helaan fursado ay ku shaqeystaan iyo xorriyuad ganacsi intaba.

Goobjoog News