U bood dhigaalka

UNHCR Oo Ku Baaqday In La Caawiyo Soomaalida Dib Uga Soo Laabaneysa Xeryaha Qaxootiga Kenya

Sheeko:Dalka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR ayaa ku baaqday in la taageero dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ahaa Kenya, misane kusoo laabanaya dalkooda.

Adrain Edwards oo ah afhayeen u hadlay Hay’adaasi ayaa sheegay in Soomaalida dib ugu soo laabaneysa dalkooda ay yihiin kuwo u baahan taageero nooc walbo leh.

Waxa uu tilmaamay in qaxootiga waxa ugu horeeyo ee ay u baahanyihiin tahay inay helaan cunno iyo kaalmo kale oo ku filan si inta ay nolosha deegaankooda kala qabsanayaan aysan dhibaato nololeed u arag.

Edwards ayaa tilmaamay in sanadkii 2013-ka dalka Kenya uu ka dhacay heshiis Seddax geesood ah, kaasi oo ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in dadka doonaya in si iskood ah dalkooda ugu laabtaan laga caawiyo arrintaasi, gaar ahaan deegaanada xasiloon.

Tan iyo wixii ka dambeeyay burburka dowladii dhexe ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, waxaa dalka Kenya qaxooti ku ahaa muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, waxaana qaarkood xilligaan halkaasi ku haysa xaalad nolol xumo ah.

Goobjoog News