U bood dhigaalka

UNHCR Oo Qaxooti Soomaali Ah Dib U Celisay.

Sheeko:Dalka

Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa sheegtay inay kasoo daad-gureysay dalka Yemen qaxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 4,300 tan iyo sannadkii 2017 dadkaas oo si iskood ah o xushay in dib loo celiyo.

Hawshan dib loogu celinayo qaxootiga ayaa waxaa fududeysay UNHCR oo gacan ka heleysa hay’ado kale oo ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada oo ku sugan dalka Yemen waxaana dadkii ugu dambeeyey ee dib loo celiyo ay gaarayaan 125 qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo laga soo qaaday magaalada Cadan.

“Dadkii usbuucaan laabtay waxaa ka mid ahaa dad Soomaali ah kuwaasoo waaliddiin qaxooti ah ay ku dhaleen dalka Yemen, iyo kuwo kale oo Soomaaliya ku dhashay una qaxay dalka Yemen iyagoo ka baxsanaya dagaallada iyo amni-darrada ka jirtay dalka Soomaaliya.” Sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Dadkaan ayaa Markab siday kusoo xirtay dekedda magaalada Berbera ee Soomaaliya subaxnimadii Khamiista. UNCHR waxay sheegtay in xaaladda dadka qaxootiga ah ee magangelyo doonka ah ay ka sii dareysay maaddaama dalka Yemen ay ka jirto xaalad bini’aadannimo middii ugu xumeyd.

Sida laga soo xigtay UNHCR, Soomaalida dalka Yemen qaxootinnimada u jooga waa boqolkiiba 90 marka la eego qaxootiga iyo dadka magangelyo doonka ah ee jooga dalka Yemen, UNHCR waxay intaas ku dartay in tiro badan oo qaxootiga Yemen jooga ay ka codsadeen hay’adda in laga caawiyo sidii dib looga celin lahaa Soomaaliya kaddib markii ay la kulmeen walaac dhanka amnigooda ah islamarkaana ay waayeen adeeggii ay u baahnaayeen.

Soddon iyo saddex safar oo la qorsheeyey ayaa illaa hadda la sameeyey kuwaasoo dad laga soo qaaday Yemen la geeyey Soomaaliya tan iyo markii uu billawday qorshe lagu celinayo qaxootiga kasoo jeeda Soomaaliya ee ku sugan dalka Yemen.