U bood dhigaalka

UNHCR Oo Shaacisay Tirada Muhaajiriinta Ah Ee Sanadkaan Badaha Ku Geeriyootay

Sheeko:Dalka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in sanadkaan kaliya ay dhinteen dad gaaraya 2,500 ruux kuwaa oo doonayey in qaab tahriib ah ku galaan dalalka Yurub.

Afhayeenka hay’addan William Spindler ayaa sheegay in dadkan ay u dhasheen dalal ay Soomaaliya ku jirto, isaga oo tilmaamay in marinka Yurub loo soo marayo yahay halis daran.

Tiradan ayaa ah sida uu sheegay afhayeen William tii ugu badneyd marka la eego 5-tii sano ee lasoo dhaafay.

“Marinka loogu soo gudbayo Yurub waa mid halis ah, 2,199 qof oo ka mid ah dadkani waxay ku dhinteen marinkan waxayna taasi ka dhigan tahay in uu dhinto qof 23-kii oo marinkan ku safraya” ayuu yiri Afhayeenka.

Sanadkaan 2016-ka waxaa dhintay tahriibayaal badan oo Soomaali ay ku jiraan kuwaa oo doonayey in nolol ay ka helaan dalalka Yurub.

Goobjoog News