U bood dhigaalka

UNHCR Oo Shaacisay Tirada Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dib Looga Soo Celiyay Xeryaha Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR ayaa sheegtay in hay’adu ay kasoo qaaday xerada qaxootiga ee Dhabaab ee ku taala woqooyi bari Kenya qaxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 4,108 qof bishii December ee sanadkii hore.

UHNCR ayaa ku sheegtay warbixinteeda Todobaadlaha ah in 250 qof oo ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu laabteen Soomaaliya iyagoo adeegsanaya gawaari halka 224 qof oo qaxooti ah laga caawiyey in ay diyaarad ku gaaraan Muqdisho.

Isku darka tirada qaxootiga ah ee hay’addu ay gacanta ka geysatay iney dadkaasi si mutadawacnimo ah u gaaraan Soomaaliya ayaa noqoneysa 4,108 qof.

UNHCR waxay sheegtay in  qaxooti tiradoodu tahay 4,878 la xaqiijiyey iney doonayaan iney ku laabtaan Soomaaliya iyadoo sheegtay iney xooga saareyso dib u celinta dadka baahiyaha gaarka qaba ee qoxootigaas ka mid ah doonayana iney si iskood ah ugu laabtaan Soomaaliya.

Hay’ada UNHCR waxay sheegtay iney kala kaashan doonta faahfaahinta wakiiladeeda Soomaaliya jooga waxyaabaha ay qabaan qaxootigaas islamarkaana ay dabagal ku sameynayaan kuwa imaanaya Soomaaliya.

UNHCR waxay sheegtay in rajada laga qabo in roob la helo bilaha October iyo November darteed ay keentay iney bataan tirada duulimaadyada sida dadka qaxootiga ah ee ku laabanaya Muqdisho waxayna intaas ku dartay in la kordhinayo diyaaradaha aadaya Soomaaliya.

UNHCR waxay sheegtay in kordhinta diyaaradaha ay ka caawineyso dadka dib u laabanaya iney ku gaaraan meelihii ay horey uga yimaadeen si nabadgelyo ah kahor inta uusan billaaban xilli roobaadka.

Wejigaan cusub ee dib loogu celinayo qaxootiga ayaa ka mid ah heshiis Seddex geesood ah oo horay u dhex maray UNHCR dowladda Soomaaliya iyo Kenya si loogu celiyo Soomaaliya qaxootiga ee doonaya iney dib ugu laabtaan Soomaaliya si iskood ah.

UNHCR waxay sheegtay iyadoo ay weli jiraan xaalado ammaan darro in qaxootigu ay billaabeen iney dib u laabtaan waxay hay’adu intaas ku dartay in weli ay jiraan qaxooti badan oo ku laabanaya Soomaaliya iyagoo aan ka helin caawinaad UNHCR.

Hay’adu waxay sidoo kale sheegtay marka la fiiriyo heshiiska seddex geesoodka ah waa in la siiyo taageero dadka dib u laabanaya oo doonaya iney gaaraan meelo ka mid ah Soomaaliya.

Xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa u ahayd hooy iyo meel ay caawinaad ku helaan qaxootiga Soomaaliyeed in ka badan 20 sano iyadoo ay jiraan duruufo adag oo dadkaasi ay wajaheen waxaana dhibaatooyin ay la kulmeen ka mid ah cariiri, Qatar caafimaad iyo weliba daadad kusoo rogmada meelaha ay degen yihiin qaxootiga.

Goobjoog News