U bood dhigaalka

UNHCR Oo Shaacisay Tirada Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dib Loogu Soo Celiyey Dalka Tan Iyo 2014

Sheeko:Dalka

Hay’adda qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in 24,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah laga soo celiyey Kenya tan iyo markii heshiiska Saddex geesoodka ah la saxiixay sanadkii 2014-kii.

Isagoo ka hadlaya xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee woqooyi bari Kenya ayaa ku simaha wakiilka UNHCR Wella Kouyou sheegay in qaxooti tiradoodu tahay 18,000 ay ku laabteen Soomaaliya sanadkan iyadoo Qaramada Midoobayna ay xoojisay hawlaheeda dib u celinta qaxootiga sida iskood ah u laabanaya.

Kouyou wuxuu sheegay in UNHCR ay si dhow ula shaqeyneyso dowladaha Kenya iyo Soomaaliya si loo xaqiijiyo in qaxootiga laabanaya aysan noqon oo keliya kuwo si iskood ah u laabanaya balse ay noqdaan kuwo si waangsan loola macaamilo.

Xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn adduunka ayaa la dhisay 20 sano ka hor si ay hoy ugu noqoto qaxootiga kasoo cararaya dhibaatadii ka jirtay Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horaantii sanadkan sheegtay inay xireyso xerada dibna u celineyso dhammaan qaxootiga Soomaaliyeed ee xeradaas ku jira kadib markii Kenya ay walaac dhanka ammaanka ah ka muujisay xeryahaas.

Dowladda kenya ayaa sheegtay in dagaalyahannada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaallama ay ku dhuuntaan xerada Dhadhaab iyadoo intaas ku dartay tuhuno ay soo baxeen kadib weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaaris ee woqooyi bari Kenya bishii April halkaasoo lagu dilay 148 qof oo u badan arday.

UNHCR, Kenya iyo Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis saddex-geesood ah kaasoo lagu celinayo si iskood ah qaxootiga Soomaaliyeed 2014kii waxaana muuqanayey kadib heshiiskaan in geeddi-socodka lagu celinayo qaxootiga uu yahay mid gaabis ah.

Si kastaba ha ahaatee wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay axaddii in dib u celinta qaxootiga ay keentay xaalad hubaal la’aan ah iyadoo Kenya ay tahay inay ilaaliso heshiisyada qaramada midoobay.

Joseph Nkaissery wuxuu yiri” inkastoo dowladda kenya ay ka go’neyd fulinta arrintaan haddana wadahadallo ayaa weli socda.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya wuxuu sheegay inay Kenya xaqiijineyso in Soomaaliya ay diyaar u tahay qaabilaadda dadkeeda iyadoo ayuu yiri ay muuqaneyso in xoogaa dabacsanaan ah laga muujiyey go’aankii hore ee lagu xirayey xerada Dhadhaab.

Wasiir Joseph Nkaissery wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaari doonaan golaha ammaanka halkaasoo looga hadli doono qaabkii ay u dhici lahayd dib u celinta qaxootiga iyadoo la rajeynayo in mawqifka Kenya la taageeri doono

Goobjoog News