U bood dhigaalka

UNHCR: Waa In La Baaraa Dadkii Lagu Laayay Badda Yemen

Sheeko:Dalka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ugu baaqday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dowladdii lahayd diyaaraddi Helicoptarka ee duqeysay tahriibayaal Soomaaliyeed oo dooni ku marayay badda Yemen.

Filippo Grandi, madaxa hay’adda UNHCR ayaa sheegay in weli su’aallo badan aan jawaab loo helin, loona baahan yahay dhinacyada isku haya Yemen, gaar ahaan kuwa Isbahasiga Sacuudiga ay jawaab cad ka keenaan ciddii ka dambeysay duqeyntaasi.

Mr. Grandi sheegay in baaritaanka la doonayo in la sameeyo yahay mid adag islamarkaana ay ku jirto isla xisaabtan.

“Waxaa jira su’aallo badan oo aan weli jawaabo loo helin, kuwaasi oo la xiriira dhacdadii bahalnimada ahayd ee dhacday, waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada isku haya Yemen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay baaritaan ku jirto la xisaabtan sameeyaan si mar kale aaney arrintan oo kale u dhici” ayuu yiri Filippo Grandi.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku  lahayn arrinta ku aadan duqeyntan loo geystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse waxaa la tuhmayaa in arrintan ay ka dambeeyaan diyaaradaha Isbahaysiga.

In ka badan 30 dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa ku geeriyootey badda Yemen, kadib diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah markii ay Gantaal ku dhufatay doonidaasi, waxaa jira dhaawacyo badan.

Goobjoog News