U bood dhigaalka

UNICEF: 185 Kun Caruur Soomaali Ah Ayaa Qarka u Saaran Iney Wajahaan Macluul

Sheeko:Dalka

Qaramada midoobay ayaa ka digtay abaarta ka jirta wadamada Soomaaliya, Nigeria iyo Yeman , digniintaan ayaa timid maalin ka dib markii ay dowladda  Koonfurta Sudan ay sheegtay  inay haysato abaar daran .

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa  waxay sheegtay in wadamada Somalia , Nigeria IYO Yeman ay soo wajihi doonaan dhibaatooyin Bini’aadannimo oo la mid ah xaaladda abaareed  ee ay ku nooshahay Koonfurta Suudaan.

Waxa ay carabka ku dhufatay in ku dhawaad  halmalyan iyo bar caruur ah ay soo wajihi doonto macluul  kuwaas  oo ku nool wadamada Somalia ,Nigeria, Yeman  iyo koonfurta Sudan .

Sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee UNICEF, in ku dhawaad  kala bar dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin gargaar Bini’aadannimo, iyadoo sheegtay in 185 kun  carruur  Soomaali ah ay qarka u saaranyihiin inay soo wajahdo macluul , waxayna ka digtay inay suurto gal tahay inay kororto tirade oo ay gaarto 270 kun inta lagu gudo jiro  bilaha soo socda .

Hay’adda ayaa intaas waxay ku dartay  in ku dhawaad 450 kun oo caruur ah kuwaas oo ku nool waqooyi bari ee dalka Nigeria  ay dhibaataysanyihiin  gobolada ay ka jiraan rabshadaha  halka ay hay’adaha  gargaarka ay awoodi waayeen inay kaalmooyin gaarsiiyaan.

Unicef ayaa ka digtay  in waddanka Yeman caruurta ku dhibaataysan ay kordheen labadii sano ee la soo dhaafay kuwaas oo kacabannaya  nafaqo darro ,waxayna gaarayaan  tiradooda 200 00 caruur ah,waxay intaas ku dartay inay hadda ay gaarayaan caruurtaas  ku dhawaad 462 kun oo caruur ah.

Warbixinada ay soo saartay ha’adda UNICEF waxay hoosta ka xariiqeen in xaaladaha bani aadanimo ee ka jira waddanka Yeman ay sii kordheen  gaar ahaan markii uu bilowday halwgalkii milatari uu hogaaminaayay  Sucuudiga  25 kii bishii Marso.

Tiro koobyo ay ha’addu sameysay ayaa waxay tilaamayaan in caruur badan oo ku nool wadamada Negeria,Somali,Yeman ay macluul u geeriyoon doonaan , waxayna ka digtay in waqti loo waayo bad baadinta caruurtaas.

Waxaa lagu wadaa inay booqdaan  safiirada dowladaha xubnaha ka ah golaha ammnka ee qaramada midoobay   wadamada Nigeria, Cameron , Tashaad  iyo Niger bisha soo socota si ay ugu kuur galaan xaaladda bani aadanimo ee ka jirta halkaasi.

W/Q: Jaamac Shidane

Goobjoog News