U bood dhigaalka

UNICEF: 35,400 Oo Nafaqo Darro Ah Iyo 18,400 Shuban Biyood Ah Ayaa La Daaweeyay , Xaaladdana Waa Ka sii Dari Kartaa

Sheeko:Dalka

UNICEF oo ah Hey’adda qaramada midoobey u qaabilsan caruurta waxaa ay sheegeysaa in labadii bil ee sanadkan ugu horreeyay la daweeyay ama la diiwaan-geliyay Kiisan badan oo ku saabsan nafaqado darro ama shuba biyood, iyada oo ka digtay in xaaladda ka sii dari karto haddii roob la waayo bishan April.

Illaa 35,400 oo caruur ah ayaa la sheegayaa in laga daaweeyay xanuuno kala duwan, caruurtan waxaa ku dhacay cunto la’aan iyo nafaqo darro, waana mudadii u dhaxeysay January iyo February, waxaa kaloo warbixinta lagu sheegayaa in dhibaatada ay jirtay bilihii ugu horreyay ee sanadkii tagay.

March 28-deedii wixii ka horreeyay waxaa la diiwaangeliyay illaa 18,400,  kiis oo shuban biyood ah halka sanadkii tagay bilahan oo kale ahaayeen 15,600, waxaana ugu badan caruur.

“ Tiradan waa mid digniin ah” sidaa waxaa tiri, Leila Pakkala, oo ah agaasime goboleedka UNICEF ee bariga iyo galbeedka Afrika.

“Kiisanan badan oo Shuban biyood ah ayaa laga sheegayaa  Baydhabo,Caruurta waxaa ay u dhimanayaa cunto la’aan, baahi harraad iyo cudurro” 2011-kii, waxaa geeriyooday illaa 130,000  oo caruur ah, waxaan asxaab badan kala shaqeyneynaa in taasi aanay soo laaban” ayey intaasi ku dartay.

UNICEF waxaa ay ka digeysaa in dhibaatada ay sii kordhi karto haddii roobab aaney iman bishan April, waxaa ay ku talisay in la diyaariyo nafaqo, biyo iyo adeeg caafimaad iyo meelaha dhibaateysan loo gaarsiiyo.\

UNICEF Somalia waxaa ay uruurisay 2017-ka lacag dhan $66 million illa $147 million, lacagihii la rabay bartamaha March waxaa ay sheegayaa in la waayey 54%.

Beesha Caalamka ayaa ku yaboohdey lacago badan oo wax looga qabanayo abaarta ka jirta Soomaaliya, waxaase hey’daha gargaarka, dowladda Soomaaliya iyo cid walbo ka cabaneysaa in lacagaha aaney ku iman waqtigii loogu talogalay.

Dhinaca kale, warbixin uu khamiistii  soo saaray Johan Heffinck, oo madax ka ah xafiiska midowga Afrika u qaabilsan gargaarka ee Soomaaliya waxaa uu ka digayaa in dhibaatada ay intaasi ka dari karto oo cuduro dilaaci karaan.

Johan Heffinck waxaa uu sheegayaa in cudurrada lala tacaalay sanadkan bilowgiisa ay u dhinteen 1 qof oo ka tirsan 45tii qof ee xanuunka ku dhaco, isaga oo intaa raaciyay in qarka loo saaran yahay macluul.

Madaxa Gargaar  EU-da ee Soomaaliya waxaa uu ka hadlay in hey’adaha gargaarka ay dadaal badan wadaan isla markaana ay la tacaalayaan sidii looga hortagi lahaa khasaare badan oo dhaca, isaga oo wax wanaagsan ku tilmaamay in abaartan ay xilli hore shaqo bilaabeen taas oo ka duwan tii dhacday 2011-kii.

Goobjoog News