U bood dhigaalka

UNICEF: Haweenka Soomaaliya Waa Kuwa Ugu Dhalmada Badan Adduunka….Carruurta Waa Dhibbane Kale.

Sheeko:Dalka

Hay’adda UNICEF ayaa isniintii  Muqdisho ku soo bandhigtay warbixin naxdin leh, warbixintan oo xoogga lagu saaray carruurta iyo haweenka ayaa lagu soo bandhigay arrimo muhiim u ah dadka daneeyay horumarinta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka haweenka Soomaaliya, u qeybsanaha UNICEF Soomaaliya iyo saraakiil kale oo Soomaali iyo Ajnabi ah.

Haweenka:

Warbixinta waxaa ay sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalinta koobaad ugu jiraan waddamada Caalamka xagga dhalmada oo waxaa la sheegay in haweeneyda ay dhalasho 6.6 cunug celcelis ahaan, taasi oo ka dhigeysa dalka ugu dhalmada caalamka.

Warbixinta waxaa dhibaatooyinka ay sheegtay ka mid ah guurka yaraanta ee gabdhaha, taasi oo dhibaato ay kala kulmaan haweenka xiliga ay dhalayaan, lagana yaabo in ay u dhintaan.

Haweenka ayaa laga sheegay  in dhalmada aaney kala fogeyn haweenka Soomaaliyeed, oo haweenka ay dhalaan carruur aad isugu dhaw, taasina ay dhibaato ku tahay nafteeda.sida ay UNICEF sheegeyo.

Daawada haweenka u baahan yihiin oo aaney helin, dhakhtarna sidoo kale, waa sabab kale oo UNICEF ay leedahay waxaa ay keentaa dhimashada haweenka.

UNICEF waxaa ay warbixinta ku sheegtay in 732 oo haween ah ay ka dhintaan 100,000 oo haween ah oo Soomaali ah, waxaa kaloo sheegay in 2012-kii ay dhiman jireen ilaa 1200 oo haween ah 100,000 oo haween ahba, taasi oo micnaheeda yahay hoos u dhac.

Warbixintan waxaa ay ku sheegtay sababta hoo su dhaca in la fuliyay barnaamij ballaaran oo ay fuliyeen hey’ado iyo dalal badan sida Health and nutrition program oo UNICEF, AUSTRLIA Aid iyo hey’ado kale.

Haweenka Soomaaliyeed 0.30 oo haweenka ah ayaa waxaa ka dhaliyo dad shaqada yaqaano oo arrintaas yaqaano sida dhakhaatiir ama kalkaaliye, inta kale waxaa ka dhaliyo dad aan dhalmada aqoon u laheyn ama waxa soo Soomaalida u taqaano umuliso dhaqameed.

Waddamada dhimashada naga hooseeya waxaa ka mid ah Sierra lion, South Sudan, Central Africa iyo Nigeria.

Caruurta:

Warbixinta UNICEF waxaa lagu sheegay in carruurta ay dhibaato badan haysato, waxaa ka mid ah FGM-ka, gudniinka inkasta oo dastuurka lagu diiday hadana hirgelintiisa waxaa la is tusay in ay waqti qaadan doonto, oo baahi badan loo qabo in bulshada la wacyigeliyo iyadoo loo marayo culimada Soomaaliyeed.

Guurka  Yaraanta ah waa dhibaato kale oo carruurta soo wajahda, waxaa dhacdo in gabadha la guursado iyadoo waxbarasho ku jirta halkaasna ay wax walbo ku ilowdo, dhibaatooyin xagga maskaxda iyo jir ahaanba ay soo gaaraan.

Dhanka Waxbarashada waxaa warbixinta lagu sheegay in carruurta 10-kii carruur ahba ay 6 ka mid ah Iskuul ma aadan, taasi oo ku tuseysa heerka waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.

Cudurro ay ka mid tahay Malaariyada ayaa la sheegayaa in ay dilaan carruurta Soomaaliyeed, taasi oo ah dhibaato kale oo caqabad ku ah bulshada.

Carruurta waxaa la sheegayaa in ay aad u dhintaan inta aaney gaarin 7 sano, taasi ay sabab u tahay  Xanaano la’aan, cudurro neef mareenka ku dhaca, shubanka, talaal la’aanta iyo Malaariyada

W/ Q: Abdi Aziz Gurbiye,