U bood dhigaalka

UNICEF: Ma Jiraan Erayo Aan Ku Cabbirno Dhibaatada Syria

Sheeko:Dalka

Hey’adda caruurta ee UNICEF ayaa qoraal ay soo saartay talaadadii ku sheegtay sida ay uga careysan tahay dhibaatada iyo dilka loo geysto caruurta reer Suuriya, gaar ahaan  kuwa ku nool bariga  Ghouta iyo  Damascus.

“ma jiraan  erayo si caddaalad ah loogu cabbiri karo dilka caruurtooda, hooyooyinkooda, aabbayaashood iyo dadka ay jecel yihiin”

Qoraalka waxaa ku jiray illaa 10  sadar oo aan wax qoraal ah lagu taaban, iyada oo la fahmi karay in halkaasi xigasho iyo qoraal ka maqnaa.

Qoraal la soo raaciyay, waxaa lagu sheegay “UNICEF waxaa ay soo saartay bayaan aan qoraal la socon, ma heyno erayo aan ku cabbirno dhibaatada caruurta heysata, kuwa dhibka geysanayana ma hayaan erayo ay mar-marsiiyo ugu raadiyaan falalkaas arxan-darrada ah.

Ciidamo daacad u ah Bashaar Al-asad ayaa la sheegayaa inay Isniintii weerar ay ku qaadeen  Ghouta ay ku dileen ilaa 100 rayid ah, laga soo bilaabo 2011-kii Asad waxaa uu gabbaad ka dhiganayey caruur iyo rayid.

Goobjoog News