U bood dhigaalka

UNICEF Oo Ka Digtay Nafaqo Darro Kusoo Wajahan Carruur Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa ka digtay Nafaqo darro xilligaan soo wajahda carruur Soomaaliyeed.

Stephane Dujarric oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 1.25 Milyan carruur ah ay halis ugu jiraan in sanadkaan nafaqo darro ay soo wajahdo.

Waxa uu sheegay kala bar carruurta Shan sano jirka ah oo 1.25 Milyan ay wajihi karaan nafaqo darro, waxaana ku jira 232,000 oo ay hadda hayso nafaqo darida, una baahan daryeel wanaagsan.

Dujarric oo warbaahinta la hadlay Jimcihii ayaa sidoo kale sheegay in sababaha ugu weyn ee arrintani ay tahay fatahaadaha ku dhuftay dalka.

Sidoo kale Afhayeenkan ayaa sheegay in fatahaadihii Soomaaliya ku dhuftay bishii April ay sidoo kale sababeen iney xirmaan 22 xarun oo lagu nafaqeynayey 6 kun carruur Soomaaliyeed oo barakacayaal ah.

Ugu dambeyn, UNICEF ayaa sheegtay iney ka cabsi qabto in cudurrada Daacuunka, Duumada iyo Jadeecada ay ka dilaacaan deegaannada ay fatahaaduhu ka dhaceen.

Goobjoog News