U bood dhigaalka

Urdun: Maxaa Looga Hadlayaa Shirka Wasiirrada Carabta?

Sheeko:Dalka

Wasiirrada bey’ada Carabta ayaa kulan ku leh dalka Urdun halkaas oo ay uga hadlayaan arrimaha bey’adaha gaar ahaan dhibaatada gashinka.

Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)،Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Shirkan ayey carabta uga hadlayaan Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka waxaa uu hordhac u yahay shirka Nairobi.

Qaramada midoobey ayaa la sheegayaa in shirka bey’adada ku qaban-doonto Nairobi  March 11-15 in Nairobi, Kenya,

Goobjoog News