U bood dhigaalka

Urur goboleedka IGAD oo ku tilmaamay heshiiska Garoowe mid taariikhi ah

Sheeko:Dalka
afey
Maxamed Cabdi Afey

Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay heshiiska maanta magaalada Garoowe ay ku gaareen ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo soo af jaraya khilaafyo soo laalaabtay oo maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka u dhaxeeyay.

Afey ayaa ka mid ah masuuliyiintii goob jooga ka ahayd madasha heshiisku uu ka dhacay isagoo qeyb ka ahaa saxiixa.

Madaxwaynaah maamulka Puntland iyo Ra’iisul  Wasare Cabdiweli ayaa dhankooda sheegay in ay maalin wanaagsna tahay maanta maadama la dhameeyay mad madowgii horay u jiray.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nichalos Kay ayaa isna dhankiisa soo dhoweeyay natiijadda ka soo baxday wada hadalkan.