U bood dhigaalka

Ururada Bulshada Rayidka Ee K/galbeed: Dad Ka Badan 300 Ayaa Abaar Iyo Cudurro u Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Ururrada bulshada Rayidka ee gobollada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in degaannada gobolladaasi ay abaarro iyo xanuunno ay ugu dhinteen dad ka badan 300 oo qruux.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda ururada bulshada Rayidka K/galbeed, Cali Caddow Axmed oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta gobolladaasi ay aad uga dartay.

Waxa uu tilmaamay in tirakoob ay sameeyeen ay dhimashada dadku aad u badan tahay, sidoo kalena ay jiraan deegaanno kale oo dadka u dhow yihiin in biyo la’aan u dhintaan.

“Dad ka badan 300 qof ayaa u dhintey Abaarta iyo sidoo kale xanuunada ka jira deegaannada K/galbeed, weli waa ay jirtaa cabsida ah in dad kale ay abaarta u dhintaan, dadku gurmad bay u baahan yihiin, waxaana waxa ugu horreeya ah biyo oo aad loogu baahan yahay, hadda waxaa ila soo xiriiray dad badan oo deegaanno kala duwan ku sugan, waxayna inoo sheegeen in haddii biyo aan lala soo gaarin ay halis ugu jiraan in ay harraad u dhintaan” ayuu yiri Cali Caddow.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka hay’adda ururada bulshada rayidka ee K/galbeed Cali Caddow Axmed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah la gaaraan dadka abaarta ku hayso gobollada Koonfur Galbeed.

Gobollada dalka waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada, waxayna u baahan yihiin dadka ku dhaqan meelaha abaarta ka jirto gurmad degdeg ah.

Goobjoog News