U bood dhigaalka

Ururada Bulshada Rayidka Oo Ku Baaqay In Nabad Lagu Bedalo Dagaalkii Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ururada Bulshada rayidka ah ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xanuunsadeen dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ku baaqay in Nabad lagu bedalo dagaalkaasi.

Agaasimaha hay’adda SSWC Aamino Xaaji Cilmi oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in xilligaan Soomaaliya aanay qaadin dagaal sokeeye, una baahan tahay nabad iyo in bulshada ay is dhex gasho.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayeey sheegtay inay ka sugayeen oo kaliya in ay is dhex gal keenaan, yar iyo weynna ay u horseedaan weji cusub oo ah Somaali-nimo, is aaminaad iyo isku dhex noolaansho.

Ugu dambeyn ayeey ku baaqday Aamnimo Xaaji in wax walba oo dhacay la iloobo, lana eego danaha iyo mustaqbalka shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Tan iyo wixii ka dambeeyay 22-kii bishaan oo dagaal ka dhex billawday maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaa isa soo tarayay baaqa ah in la helo nabad, lagana fogaado wax walba oo colaad keeni kara.

Goobjoog News