U bood dhigaalka

Ururada u Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Fadhigoodu Yahay Muqdisho Oo Walaac Ka Muujiyay Arimaha Xuquuqda Aadanaha Ee Dalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

muqdisho-1Ururada u dooda Xuquuqda aadanaha ee Fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin heerka Xuquuqda Aadan Dalka.

Munaasabad loogu dabaal degayay maalinta xuquuqda aadanaha oo ku beegan 10-ka bisha December oo maalin ay ka xigto ayeey ururadaan ku qabsadeen magaalada Muqdisho, waxaana ay ka hadleen xaaladda hadda dalka uu ka joogo dhanka xuquuqda aadanaha.

Caasho Xasan Cismaan, waa agaasimaha Ururka Taqwa ee udooda xuquuqda Aadanaha, waxaana ay faah faahin guud naga siisay kulan si gaar ah looga hadlayay arimaha bini’aadanimo ee dalka iyo qodobo laga soo saaray.

Waxa ay sheegtay in xuquuqda aadanaha ay leedahay qiimo aad u wanaagsan, sidaa darteedna bulshada Soomaaliyeed loo baahan yahay in kaalin xoogan ay ka qaataan ilaalinta arintan.

“Qof walba waxa uu xaq u leeyahay nolol iyo sharaf in uu ku noolaado, waxaan shacabka ku baraarujinay in ay u istaagaan ilaalinta xuquuqda dadka” Caasho ayaa tiri.

Dhinaca kale waxay sheegtay in dadka u nugul ku xadgudbka ay yihiin dadka degan Kaamamka barakacayaasha gaar ahaan hablaha shaqaalaha ee xuquuqdooda la duudsiiyo mararka qaarna laga yaabo in jirdil ama xarig loo geysto waa sida hadalka ay u dhigtay.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News