U bood dhigaalka

Ururrada U Dooda Xuquuqda Saxaafadda Oo Ku Eedeeyay Madxweyne Farmaajo Xadgudubyo Ka Dhan Ah Suxufiyiinta

Sheeko:Amniga

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa  xukun-baalmarsan sharciga ku rida Wariye Cabdi Casiis Gurbiye oo ka tirsan  Goobjoog, isaga oo markii Afaraad la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xukun lix bilood oo xariga ah iyo 5 Milyan oo Shillin Soomaali ah ayay Maxkamadu ku xukuntay Tafaftiraha Goobjoog ,sheegtayna in lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, oo ku saabsan faafinta Warar been abuur ah.

Go’aankan Maxkamada  waxa durbadiiba ka gil-gishay ururada saxaafadda , kuwo xuquuqda aadana  oo sheegay in falkaas uu yahay mid  lagu caburinayo warbaahinta madaxbanaan ee markii horeba ku shaqaynaysay marxalad adag.

Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabduwahaab ayaa sheegay in xukunka maxkamadu ay gaartay  uu yahay mid siyaasadeysan marka loo eego sida loo bedbedlayay qodobada lagu soo eedeyay Weriyaha.

‘‘Xukunka maxkamada ee Gurbiye oo ah mid sharci aan ahayn waxa daba-ka riixaya  xafiiska madaxweynaha ,Garsoorkuna ma ah mid madaxbanaan” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in  cadaalad darro uu yahay xukunka lagu riday Wariye Gurbiye, isla markaana dhowr jeer la bedalay Eeda loo soo jeediyay Wariye Gurbiye.

“Sababaha dalka ay uga cararayaan Weriyayaasha waa iyaga oo ka cabsi qaba waxa maanta ku dhacay Weriye Gurbiye , haddii aan wax laga qaban dhibaatada Garsoorka  oo aan la madaxbanaaneyn waxa dhici doonta in Weriyayaal badan dalka ka cararaan” ayuu sheegay Cabdalla Axmed Muumin.

Xoghahaya Guud ee ururka isu-taga saxaafadda Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu  ayaa sheegay in falka lagula kacay Weriyaha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu tusaale u yahay dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee lagu hayo saxaafadda Soomaaliyeed waayadii dambe.

“Waxa aan ixtiraameynaa go’aanka Maxkmadda Gobolka oo ah hey’ad sharciyadeed ,laakiin waxa aan aad uga xunnahay in weli wariyayaasha Soomaaliyeed loo adeegsanayo xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo 1964tii soo baxay kaas qodobadiisu ay yihiin kuwa aan la jaanqaadi karin waqtiga aan maanta joogno ”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu oo xoghayaha ururka suxifiyeenta FESOJ.

Xeer-ilaalinta ayaa saddex jeer bedeshay dacwadda Gurbiye lagu soo oogay, oo markii horey ahayd Sharaf-dil Madaxweyne, iyadoo markii dambe laga dhigay faafinta warar been abuur ah.

Tan iyo markii uu Farmaajo xukunka la wareegay February 2017, waxaa sii kordhayay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-banaan.

Halkan Ka Daawo Warbixin Kuu Soo Koobaysa Sheekada Weriye Gurbiye

Goobjoog News