U bood dhigaalka

Ururka Ahlu sunna ee gobolada koofureed oo ka qeyb galaya shirka Garbahaarey

Sheeko:Dalka

Dhinacyadii saluugsanaa wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo ee ka furmay Kismaayo ayaa ku sii qul-qulaya degmada Garbahaarey oo la qorsheynayo in uu ka furmo shirka wada tashiga beelaha dega gobolkaasi.

Guddoomiyaha Ahlusunna waljamaaca ee gobolada koofureed Sheekh Maxamed Yuusuf Aw-Libaax oo ka hadlay qabanqaabada shirka ayaa sheegay in ay isugu yimaadeen degmada Garbahaarey wufuud kala duwan oo ka qeyb galeysa shirka dhawaan ka furmaya halkaasi.

Waxa uu tilmaamay in laga wada hadlayo khilaafaadkii ka dhex jiray beelaha wada dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyada oo shirkan ay ka qeyb geli doonaan xubno ka socda maamulka koofur galbeed ee lixda gobol oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan.

Dhanka kale, Waxaa maanta lagu wadaa in ergo ka tirsan garabka Barre Hiiraale ay gaaraan magaalada Garbahaarey kuwaas oo ka ambabaxaya magaalada Muqdisho xilli shalay gelinkii dambe ay ergo kale gaareen halkaas.

Shirka Garbahaarey ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.