U bood dhigaalka

Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo Sheegay in Dad Qaba Calaamadaha Coronavirus Ay Booqdeen Xarumaha Caafimaadka

Sheeko:Caafimaadka

Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in bukaano dhowr ah oo leh calaamadaha cudurka Coronavirus ay booqdeen xarumaha caafimaad ee dalka.

Sidoo kale ururku waxa uu sheegay in ay jiri karto suurta galnimada in cudurka COVID-19 uu sii hoose ugu faafo bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ururuka bulshada ugu baaqay in ay raacaan talooyinka caafimaad ee loo jeedinayo si looga hortago qatarta uu leeyahay xanuunkan.

Ugu dambeyn ururku waxa uu ugu baaqay dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay muujiyaan taxadar dheeri ah islamarkaana marka hore ay badbaadiyaan  naftooda si ay u badbaadiyaan ummadda Soomaaliyeed waxaana sidoo kale loo jeediyay in ay xirtaan qalabka loogu talagalay in la  isaga difaaco caabuqaan.

Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira cudurka COVID-19.

Image may contain: text

Goobjoog News