U bood dhigaalka

Ururka NUSOJ oo ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya in la sii daayo suxufiyiinta idaacada Shabeelle

Sheeko:Dalka
Maxamed Pakistan
Maxamed Ibraahim (Pakistan)

Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa xad gudub ku tilmaamay xariga xukun la’aanta ah ee ay ku jiraan xuxufiyiinta iyo milkiilaha idaacada Shabeelle.

Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim (Pakistan) oo la soo xiriiray Goobjoog FM ayaa tilmaamay in ay dalbanayaan in cafis loo fidiyo suxufiyiinta raadiyaha Shabeelle oo muddo ka badan 50 cisho u xiran dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu xusay in qaarkood ay ku xanuunsanayaan xabsiga oo aysan ku jiri karin muddo intan ka badan isaga oo dalbaday in dolwladdu ay fuliso dalabka ka soo yeeraya golaha saxaafadda qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

“Waxaan ka codsanayaa madaxda dowladda in ay munaasabada Ciida awgeed xoriyadooda dib ugu soo celiso wariyaasha xiran.” Ayuu yiri Maxamed Ibraahim (Pakistan).

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku eedeysay wariyaasha xiran arrimo ay ka mid yihiin xiisad hurin waxaana la xiray 15-kii August xilligaas oo ay ciidamada nabad sugida ay weerareen guriga guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci).