U bood dhigaalka

Ururuada Indhoolayaasha Afrika Oo Shirweyne Uga Furmay Kampala

Sheeko:Dalka

Magaalada Kampala ee dalka Uganda  waxaa Maanta ka furmay Shirwayne ay ka qayb galayaa Ururada Indhoolayasha ee wadamada Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto

Shirkan ayaa ah  kii Lixaad oo ku qabsooma Magalada Kampala ee Dalka Uganda si dadka araga la’  ee Afrika ay uga hadlaan waxyaabaha horyaala.

Shirkan dhanka Soomaaliya waxa ka qayb galaya Xubno ka socda Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed kaas oo halkaas  ku soo  bandhigi doona caqabadaha ay la kulmaan Indhoolayaasha Soomaaliyeed

Maxamed Cabdisalaan Diiriye Wakiilka Bariga Afrika ee Ururkaas ayaa Goobjoog News u sheegay isaga oo ku sugan Magaalada Kampala in Shirkaan ay ku soo bandhigi doonaan arimo ay ka mid yihiin  sidii Indhoolayaasha Soomaaliyeed ay u heli lahayeen  qalab iyo agab kale.

“Waxa ka Soomaali ahaan inoo muhiimsan ayaa ah in aan awood u yeelanno in shirkaan aan ka qeybgalno sanado badan ka dib, waxaana asaageena Afrika kala hadli donnaa arrimo badan oo ku aadan waxa Indhoolayaasha u qabsoomay, heerka aqoontooda iyo arrimo kale” ayuu yuri Diiriye.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in shirkaasi ay kusoo bandhigi doonaan waxa dadka araga la ee Soomaaliyeed ka maqan, hadii ay ahaan lahayd Tiknoolijiyadda casriga ah iyo sidoo kale waxbarashada asaasiga ah.

Goobjoog News