U bood dhigaalka

Ururuka OIC Oo Ka Hadlay Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa ka hadlay abaarta ku dhufatay qaar kamid ah gobollada Soomaaliya, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Qoraal kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in xaalad adag oo dhanka Bini’aadannimada ah ay ka jirto Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in caawinaad degdeg ah laga geysto.

Waxa uu ururka ugu baaqey dhammaan dalalka xubinta ka ah ururkaasi in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Sidoo kale OIC ayaa sheegay in ay gurmad siin doonaan dadka ku xoolo belay abaartan, islamarkaana ay shir degdeg ah arrimahan ka yeelan doonaan.

Soomaaliya waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadKa iyo duunyada, iyadoo meelaha qaar aanu jirin biyo iyo raashiin midna.

Goobjoog News