U bood dhigaalka

USAID Oo Ku Dhawaaqday Mashruuc Ay Ku Maalgelinayso Beeraha Iyo Kallumeysiga Soomaaaliya

Sheeko:Dalka

Hay’ada USAID   ayaa daaha ka rogtay masharuuca kobcinta ganacsiga, dhaqaalaha, shaqaaleynta iyo hab nololeedka, mashruucan oo socon doonaa muddo 5 sano ah waxaa loo qoondeeyay  adduun lacageed oo gaaraya ilaa $75 Milyan oo Doolar .

Sida uu sheegay madaxa Mashruuca Growth, Enterprise, Employment, and Livelihoods(GEEL) Maxamed cabdi nor ‘’mashruucaan waxa  loogu talagay in lagu  maalgeliyo ganacsatada  iyadoo la siinayo tababarro iyo  dhaqaale”.

Waxa uu hadaliisa sii raaciyey ‘’mashruucan waxaa uu ka kooban yahay  dhowr qeybood, qeybta  kowaad waa dhinaca beeraha qeybta labaadna waa kalluumeysiga ‘’

Mudane Nor wuxuu  sidoo kale ka dhawaajiyay in mashruucaan shaqo loogu abuuri doono 5,000 oo qof wuxuu intaasi raaciyay $20 Milyan oo doolar ayaan ugu  talogalnay in lagu maalgeliyo ganacsatada la timaada afkaaro ganacsi .

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliyaa oo goobtaasi hadal jeedin ka sameeyay ayaa xusay’’ haddii arrintaan ay hirgasho in ay tahay guul weyn isagoo intaasi ku daray 5,000 oo dhallinyaro ah haddii shaqo loo abuuro waxa yaraneysaa shaqo la’aanta haysata  dhallinyarada soomaaliya taasi oo ku xambaartay in badaha naftooda ku biimeeyaan  ama ay ku biiraan kooxda nabad diidka ‘’.

Wasiirka ayaa ku dardaarmay in mashruucaan uu noqdo mid miro dhala oo uusan la mid noqon mashruucyadii  hore loo bilaabay oo aan la ogeyn meel ay ku dhamaadeen .

Wasiirada kalluumeysiga ee maamulada Galmudug iyo jubaland ayaa sidoo kale si  diiran u soo dhaweeyay mashruucaan .

Sidoo kale wakiil ka socday hay’ada UKAID ayaa tilmaamay in bishii May ee sanadkan  ay deegaanada Putland  ka bilaabeen mashruucan  oo kale  oo ay ugu talogaleen qarash dhan 11 Milyan oo Pound ka ingiriiska ah .

Sidoo kale wakiillo ka socday shirkadaha kalluumeysiga dalka oo madasha maalgelinta kalluumeysiga ka hadlay ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in laga caawiyo agabka kalluumeysiga sida qalabka wax lagu qaboojiyo iyo doomaha kalluumeysiga .

Si kastaba, Soomaaliya waa wadanka labaad Afrika ee  leh xeebta ugu dheer hase ahaatee aan si dhab ah uga faa’iideysan kheyraadka ku jira .

MAAL USAID

Goobjoog Business