U bood dhigaalka

Uurka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Oo Cambaareeyay Xariga Laba Wariye Oo Ka Tirsan Goobjoog Fm (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

pakisUrurka Saxifiiynta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si kulul u cambaareeyay xariga loo geystay Madaxa Barnaamijyada Idaacadda Goobjoog Maxamed Salaad Cismaan iyo Wardoone Ibraahim Xaajib Yuusuf oo maalintii Labaad u xiran ciidamada dowladda Federaalka.

Xoghayaha guud ee Ururukaasi Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa sheegay in ka ururu ahaan ay aad uga xunyihiin xarigaasi, waxaana uu ugu baaqay hay’adaha amaanka dowladda in si shuruud la’aan ah lagu soo daayo Labadaan Wariye.

Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in Xariga Wariyaashan ay nasiib darro tahay, islamarkaana xadgudub ku tahay xurriyada hadalka.

Wariyaasheena kala ah Maxamed Salaad Cismaan iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf waxaa shalay gelinkii dambe xiray ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya xilli ay ku guda jireen holahooda shaqo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News