U bood dhigaalka

Vanda Felbab-Brown: Duqeynta Mareykanka Wax Natiijo Ah Ma Leh

Sheeko:Dalka

Vanda Felbab-Brown oo ah khabiir xagga dambiyada abaabulan ayaa qortay in duqeynta Mareykanka uu ka wado gudaha Soomaaliya aaney wax natiijo ah soo kordhin-doonin haddii aan la hirgelin isla xisaabtan iyo dhismaha ciidamada xoogga dalka.

Vanda  waxaa ay Mareykanka kula talisay in ay xoogga saaraan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isla xisaabtan dhex mara labada dhinac, haddii kale aan sidaasi lagu jabin Al-shabaab.

2016, Soomaaliya waxa ay beesha caalamka ka heshay illaa $250 million oo lagu caawiyay xagga ammaanka, tiro intaasi la eg ayaa sanado badan la siinaayey, sidaasi ay tahay ciidamada Soomaaliya ma awoodaan in ay rondo sameeyaan si ay ammaanka u sugaan.

Ciidamada xoogga dalka-The Somali National Army (SNA) waxaa qoran sida ay sheegtay in ay tiro ahaan gaari karaan  29,000 laakin wax aan ka badneen 12,000 ayaa ah askarta saxda ah, inta kale waa wax dhintay iyo da’a ah, xitaa inta saxda ah ma heystaan hub iyo saanad ku filan.

Ciidamada Soomaaliya dhex-dooda waxaa hareeyay musuq taasi oo keentay in aan bilo badan wax mushaar ah la siin, in kasta oo dowladda madaxweyne Farmaajo ay bixisay inta badan hadana Mareykanka waa uu jartay gargaarkii uu ciidamada siin jiray.

Ciidamada Soomaalida waxaa ay ku saleysan yihiin qaab beelo, kuwa AMISOM oo inta badan lagu tiirsan yahay muddo 2 sano ah kama dhaqaaqin meelihii ay joogeen.

Meelaha ay dowladda xoreyso waxaa qabsado maleeshiyo beeleed iyo kooxo aan la aqoon cidda ay u shaqeeyaan, waxaa la dhacaa dhulka dadka laga tirade badan yahay.

Goobjoog News