U bood dhigaalka

Veronique Lorenzo

Sheeko:War

Ergeyga cusub ee midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo ayaa waxaa ay warqadaheeda aqoonsiga u gudbisay madaxweyne Xasan sheikh November 3, 2016-kii, haweneydan ayaa  badali doonta Michel CervoneDurso.

Veronique Lorenzo iyo ninka ay badaleyso waxaa ay u dhasheen dalka Talyaaniga, Cervone Du’rso  waxaa uu jagada hayey laga soo bilaabyo bartamihii 2012-kii ilaa October 2016-ka.

Veronique Lorenzo waxaa ay muddo dheer ka shaqeyn jirtay European Commission  iyadoo ka soo noqotay madaxa qeybaha deegaanka, Caafimaadka iyo Waxbarashada iyo sidoo kale sida qeybta  Cooperation…..waxaa ay 2006-dii ka shaqo bilowday qeybta hor-umarinta goobaha miyiga ah.

Dhanka Waxbarashada:

Wye College ay ka qaadatay Master of Science (MSc), Dhaqaalaha Beeraha 1992-dii, waxaa kaloo ay London School of Economics and Political Science, ee Jaamacadda London ay ka qaadatay Bachelor of Science (BSc), qeybta dhaqaalaha  sanadihii 1986-89-kii.