U bood dhigaalka

Video: Isbedal Lagu Sameynayo Shaqooyinka Wasaaraddaasi

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Claahi Bishaan Warsame ayaa sheegay in isbedal ballaaran lagu sameyn doono howlasha shaqo ee wasaaraddaasi.

Wasiirka ayaa kormeer ku tagay xarunta wasaaraddaasi oo dib u habeyn lagu sameeyey, isaga oo sheegay in wasaaradda ay ku shaqeyn doonto xarunteedii.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in badi xafiisayada wasaaraddan uu qalabkooda u dhammeystiran yahay, waxa harsanna ay dhowaan dhammeystiri doonaan.

Si degdeg ah ayuu sheegay in wasaaradda Kalluumeysiga si rasmi ah ugu soo guuri doonti xarunteedii rasmiga ahayd, maadaama ay hadda ku shaqeeyaan xarun KMG ah.

Halkaan hoose ka daawo:

Goobjoog News