U bood dhigaalka

Video: Madaxweynaha Zimbabwe Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa  ayaa ka badbaaday qarax la doonayay in isaga lagu qaarajiyo xilli uu boqolaal dad ah kula hadlayey garoon ciyaareed ku yaalla dalkaasi.

Qaraxa ayaa illaa iyo hadda la shaacin nooca uu yahay, waxaase la tilmaamay inuu ka dhacay meel uu ku dhowaa madaxweynaha oo hadda isaga badqaba islamarkaana aanu waxba soo gaarin.

George Charamba  oo ah afhayeenka madaxweynaha Zimbabwe ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha uu wanaagsan yahay.

“Xaaladda madaxweynaha waa ay wanaagsan tahay, wax dhib ah oo soo gaaray ma jiro” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale, afhayeenka ayaa sheegay iney sameyn doonaan baaritaanno la xiriira nooca qaran iyo sidoo kale ciddii ka dambeysay.

Madaxweyne Mnangagwa  ayaa halkaasi ka waday olole si uu mar kale ugu guuleysto doorashada ka dhici doonta dalkaasi.

Maanta ayeey ahayd markii qarax lala eegtay fagaare uu khudbad Kumanaan ruux ugu jeedinayey madaxweynaha dalka Itoobiya.

Waxaa jirta khasare dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxan ka dhashay, balse tiro rasmi ah lama shaacin.

Goobjoog News