U bood dhigaalka

Villa Somalia: Hogaamiye Al-shabaab Ah Iyo 6 Kale Ayaan Dilney

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda iyo kuwoo ka socda dalal ay saxiibo yihiin weerar ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

War Saxaafadeed goordhaw soo baxay waxaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ogolaaday weerarka la qaadey, iyaga oo intaasi ku daray in ugu yaraan 7 qof uu ku jiro hoggaamiye laga dilay Al-shabaab.

Dhankooda Al-shabaab, weli wax war kama soo saarin, weerarka ay sheegtay dowladda federaalka ah iney ku qaadey dowladda xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News,