U bood dhigaalka

Villa Somalia oo Ka Hadashay Ajendaha Kulanka Madaxweyne Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta xarunta  madaxtooyada ee Villa Somalia ka dhacaya kulan ay markii ugu horeysay si wadajir ah isugu imaanayaan mas’uuliyiinka ka tirsan madasha xisbiga qaran iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulanka ayaa dhacaya kadib kulankii gogol-xaarka ahaa ee 14-kii bishan dhexmaray madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasin Xaaji oo ah taliyaha NISA iyo siyaasi qeyb ka ah Nabad iyo Nolol.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ajendaha kulanka uu ku kooban yahay doorashada 2020.

Cabdinuur  Maxamed oo arrinkan ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaa kulanka xoogga lagu saarayaa uun doorashada 2020-ka sidii ay waqtigeeda ugu dhici laheyd isla markaana u noqon laheyd qof iyo codkiisa” isaga oo intaasi raaciyey in sidoo kale wadartashi iyo wada shaqeyn laga hadli doono.

Villa Somalia iyo madasha xisbiyada qaran waxaa dhowaan ka dhexjiray qas  iyo kala shakis iyada oo xukuumadda federaalka ah ay cadaadis saartay kooxdan mucaaradka ah sida safarro ay ku tagi lahaayeen Jubbaland iyo Hiiraan taasi oo keentay in madasha ay dacwo geysay maxkamadda.

Dhankooda, si aragtidooda loo helo, Goobjoog News waxaa ay isku deyday iney xiriir la sameyso madasha xisbiyada qaran kuwaas oo ka jawaabi waayey dhammaan xiriirkeenna sabab la’aan.

Kulanka ayaa waxaa dhici karto in sidoo kale lagu qaado ismari waaga ka dhex jira laanta fulinta ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada iyo arrimo kale oo dastuurka uu ka mid yahay.

Goobjoog News