U bood dhigaalka

Villa Somalia oo Ku Bixineysa €393,000 Difaaca Qaan Dhan €66 Milyan 

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis kula gashay qareenno u dhashay dalka Holland lacag dhan €393,000 si uga difaacaan dacwada ay ku furtay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group (AMO) ee la xiriirta in Muqdisho ay bixin weysay lacag loogu sameeyey maraakiib roonda ah oo badda ilaaliya.

Warqad ay ku wada xiriireen dowladda federaalaka ah iyo shirkadda qareennada  Holland  oo ay aragtay Goobjoog News waxaa ku xusan in heshiiska uu dhacay November 19 ee sanadkan, lacagta ay DF bixineyso waa  €393,000, oo u dhiganta €300 saacaddii, halka saacadaha guud ee heshiiska gaarayaan 1,310 oo saacadood.

Shirkadda dowladda federaalka ah difaaci doontaa ee Legaltree waxaa ay heshiiska ku dartay lana ogolaaday in ilaa €300,000 ay u qaadan doonaan qaab hormaris.

Dukumentiyo ay sanadkii hore si gaar ah u heshay Goobjoog News,  waxaa ku qoran in dowladda federaalka ah ay heshiis la gashay shirkadda AMOSC oo fadhigeedu yahay dalka Qubrus 2013-kii,  heshiiskan oo ku kacayey ilaa €132m ayey Soomaalida dalbadeen in ay helaan 6 markab oo kuwa roondada xagga badda ah, laakin markii shaqada inta badan la qabtay ayey Muqdisho heshiiska ka baxday taas oo keentay in shirkadda ay go’aansato inay dacwad furto.

Heshiikan 6-da markab,  waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 markab oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo ay dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan looga jawaabin, oo ballantii looga baxay.

Warqadda digniinta ah ee horay loogu diray dowladda oo sidoo kale la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa ku taariikheysan March 13, 2018, shirkadda AMOSC waxaa ay dowladda federaalka ah ka dalbatay lacag dhan  €66 million oo lacagta 2 markab oo la sameeyey oo ka mid ah 6-da markab ee heshiiska iyo lagu daray lacag dul-saar ah oo muddo 7 sano ah, dulsaarka sanadkii hore waxaa uu ahaa €24.6 million. Dowladda federaalka ayaa u muuqato in hadda ay qareenno u qabsatay si maxkamadda uga difaacaan, weliba Villa Somalia waxaa ay xulatay shirkadda Legaltree iyada oo aan la marin sharciga tartanka.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,