U bood dhigaalka

Villa Somalia oo Xiratay Guddoomiyaha Xisbi Mucaarad Ah

Sheeko:Dalka

Waxaa isniintii magaalada Muqdisho gurigiisa lagala baxay oo ilaa hadda xiran Yuusuf Xasan Mursal oo ahaa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee amniga iyo cadaaladda.

Xisbiga oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee dalka waxaa uu hoggaamiyahooda Mukhtaar Roobow u xiran yahay isla Villa Somalia tan December 2018.

Wararka ayaa sheegaya in la xiray abaarihii 12:30 duhurnimo, laguna xiray guriga xisbiga oo ku dhex yaalla Villa Somalia.

Yuusuf waxaa ay ciidamadu kaxeeyeen iyada oo aaney wadan warqad qabasho ah, waa la afduubay, gurigiisa ayaana laga waday, waa arrin sharci darro ah” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay  Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah Xogheyaha arrimha gudaha iyo xiriirka gobol ee xisbiga.

Qoraal ka soo baxay xisbiga amniga iyo cadaaladda oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa lagu sheegay in madaxii xisbiga ay afduubteen NISA, kana dambeeyaan Saadaq John, ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo.

Waxaa xusid mudan in Mukhtaar Roobow oo ah hoogaamiyaha ay xisbiga ay dowladda Soomaaliya soo xirtay 15-kii December 2018 iyaga oo Baydhabo ku dilay 15 taageerayaashiisa ah.

Goobjoog News