U bood dhigaalka

Villa Soomaaliya oo Ka Hadashay Iscasilaadii Guulwade.

Sheeko:Dalka

Madaxtooyada Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay iscasilaadii  uu sameeyey Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo xubin ka ahaa guddiga dab- u heshiisiinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya  ayaa lagu sheegay in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade ) in Villa Soomaalia ay aad uga xun tahay waxaa ay in isigana ay gooni u tahay ayna ka turjumaynin mowqifka dowladda Sooaamiya ayaa lagu yiri.

“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.”

DHAMMAAD

Goobjoog News