U bood dhigaalka

Villa Soomaaliya Oo Ka Gaabsatay Safarka Farmaajo ee Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay arrinta la xiriirta safarka ay warbaahinta dalalka dariska qoreen ee la xiriira socdaal lagu wado in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu 13-ka bishan ku tagayo magaalada Adis Ababa si uu ula kulmo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in ay jirto dhex-dhexaadin uu wado ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo haatan ah guddoomiyaha IGAD, arrimaha miiska saaran ayaa lagu sheegay in xiriirkii si caadi ah loo soo celiyo iyo in wada hadal lagu dhammeeyo kiiskii badda.

Goobjoog News waxaa ay xiriir la sameysay Villa Somalia si ay xog fiican uga hesho inuu jiro safarka madaxweynaha iyo arrimahaas oo dhan, laakin mas’uuliyiintii nala hadlay waa ay ka gaabsadeen wax faahfaahin ah, waxaa ay sidoo kale dhex mareen “Haa” iyo “Maya”.

Wixii safarkan la xiriira kala soco halkan

Goobjoog News