U bood dhigaalka

W/arr. Gudaha: Waxaan Gacan ku siin-doonna Dowlad Goboleedyada Doorasho Hufan, Xor Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta oo maanta soo saartey war saxaafadeed ayaa ku sheegtay inay si dhow ula socoto doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada isla markaana ay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin  lahaa doorashooyinka u dhaca si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Qoraalka Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa uu u qornaa:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin  lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Arrintan ayaa waxaa ku soo aadeysaa xilli aanu wada shaqeyn ka jirin dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada