U bood dhigaalka

Waa Kuma Cabdullahi Fartaag, Senatorka u guuleystay Isbadal-doonka 2021

Sheeko:Amniga

Waxaa hadda soo baxay, oo markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay  Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo.

Senator  Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubbaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay , kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo isaga oo xataa May 10, 2020-kii loo diiday inuu u safro Kismaayo.

Haddalada Senatorka waxaa ka mid ahaa” Madaxweynaha Iyo kooxdiisa Iyaga Ayaa Isku Soo koobay Talada Dalka ”.

Senator Fartaag ayaa sidoo kale ka mid ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud, isagoo sidoo kale ah xubin fir fircoon oo ka tirsan isbadal doonka 2021.

Goobjoog News