U bood dhigaalka

Waa Kuma Madaxa Cusub Ee xafiiska taageerada Q.M Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xogheyaha guud ee qaramada midoobey Ban Ki-Moon ayaa xafiiska taageerada Soomaaliya u soo magacaabay Hubert Price.
Price waa uu u dhashay dalka Mareykanka, waxaana la sheegayaa in uu heysto in ka badan 20 sano oo khibrad ah oo uu la shaqeynayey qaramada Midoobey.
Xilliyadii ugu dambeysay waxaa uu ka shaqeeyay xafiiska qaramada midoobey ee Liberia oo loo yaqaano (UNMIL) iyo sidoo kale ahaa kaaliya Moon.
Ninka Qaramada Midoobey xafiiskeeda taageerada u joogi doona Soomaaliya waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay East Timor (UNMISET iyo Côte d’Ivoire (UNOCI).
Intii uu ciidanka ahaa waxaa uu Nabad ilaalin u tagay dalalka Mozambique, Angola iyo iyo xafiiska Lojistikada ee Brindisi, Italy.
Waxaa uu ka qalinjabiyay University of Richmond, Virginia, Mr. Price waxaa kaloo uu shahaade sare ka heystaa systems management ee Jaamacadda Southern California.
Hubert Price waxaa uu dhashay 1953, waxaa uu dhalay labo caruur ah.