U bood dhigaalka

Waa Kuma Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani)

Sheeko:Dalka

Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani) ayaa ku guuleystay madaxtinnimada dowlad goboleedka Puntland, isaga oo goobta lagu dhaariyey si uu Puntland u hoggaamiyo 5-ta sano ee soo socota.

Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani), waxaa uu waxbrashada dugsiga hoose dhexe ka dhameeyey 1-da July ee Muqdisho(1972-80), dugsi sare waa Xasan Barsane(1980-84) halka uu BA ka diyaariyey jaamacadda umadda Soomaaliyeed ee kuliyadda luqadaha(1986-1990), Masterkana Jaamacadda Putra ee dalka Malaysia(1998- 2000) isaga oo ku taqasusay maamulka iyo maareynta.

Shaqooyinkii Ugu Muhiimsanaa:

Shaqooyinkii ugu muhiimsanaa uu soo qabtay Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani) waxaa ka mid ahaa isaga oo xubin ka noqday baarlamaanka Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale noqday wasiirka qorsheynta.

1997-dii, waxaa uu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisay dowlad goboleedka Puntland, waxaa uu sidoo kale ahaa ganacsade iyo milkiilaha shirkado ay ka mid yihiin Towfiq Company , African Horn Co iyo Tadamum Society.

Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani) waxaa uu sidoo kale ka shaqeeyey dekadda Boosaaso, rugta ganacsiga Puntland iyo meelo badan oo Puntland ah.

Waxaa uu ku hadlaa Somali, English iyo Arabic

Goobjoog News

Mawduucyada:Puntland