U bood dhigaalka

Waa Kuma Madaxweynaha La Doortay Ee Koonfur Galbeed Cabdi Casis (Lafta-Green)

Sheeko:Dalka

Cabdi Casis Xasan Maxamed(Lafta-Green),  Waxaa lagu tiriyaa murashaxa xukuumadda federaalka ah, isaga oo  dhowr jeer iska casilay jagooyin muhiim ah.

Cabdi Caziz Lafta-gareen, waxaa uu bartay culuum kala duwan sida culuumta siyaasadda ee jaamacadda ONEIDA oo Mareykanka ah iyo shahaadooyin kale oo ku saabsan maamulka, maareynta iyo dib uheshiiisiinta.

Waxaa xubin ka ahaa baarlamaankii 8aad iyo midkan 10aad, 5tii sano ee ugu dambeysay waxaa uu noqday: Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, wasiiru dowle ka noqday wasaaradda ganacsiga, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga, wasiiru dowlaha warfaafinta isaga oo dowladihii KMG ahaa ka noqday sida dowladii Sheekh Sharif wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka dekadaha iyo dowladii Cabdulahi Yusuf uu ahaa wasiirka dekadaha, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka maaliyadda.

Maanta waxaa uu ku guuleystay doorasho ay gacan ku siisay dowladda federaalka ah, waxaa kursiga uga horeeyey Shariif Xasan oo lagu qasbay inuu is-casilo.

Goobjoog News