U bood dhigaalka

Waa Kuma Murashaxa Jibril Ibrahim Cabdule Oo Kusoo Biiray Liiska Murashaxiinta

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si rasmi ah  isu soo taagay xilka madaxweynimada Soomaaliya in uu tartamayo 2016-ka murashaxa cusub ee Jibriil Ibraahim Cabdulle, ku dhawaaqista Cabdulle  ayaa sidoo kale waxaa ay soo afjartay hadalheyn ninkan oo muddo socotay.

Hadaba waa kuma Jibril Ibrahim  Cabdule:

Jubril Ibrahim Xasan waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdishi 1969kii, isagoo isla magaaladan ku qaaday waxbarashada ilaa dugsi sare.

1990-1995: Cilmiga Sociology iyo Public Administration ayuu ka dhigtay Carleton Universiy, Otota ee dalka  Canada  isagoo heysta shahaadada koobaad ee  Political science, waxaa uu si gaar ah ugu taqasusay xallinta khilaafaadka.

Mr. Jibril waxaa uu hadda madax ka yahay hey’adda Centre for Research and Dialogue (CRD),  hey’addan oo ay wada aasaaseen isaga iyo Dr. Cabdiqadir Yaxye.

Murashaxan cusub waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay wasaaradda cadaallada Canada, Dowladda Sweden, Unicef iyo hey’ado kale.

Jibriil oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay in hey’adda uu madaxka ka yahay ay saameyn ku leedahay  wadanka oo dhan, ilaa 36 Nabadeyn ayey fuliyeen, Cilmi baaris badan ayey sameeyeen, Maamullada iyo dowlad goboleed ay ka mid tahay Galmudug ayey dhismaheeda ka qeyb qaateen, Dowladaha Soomaalida ee Kenya lagu soo dhisay waxaa ay ka qeyb qaateen ilaa howlo badan.

Lama oga waxaa uu ku soo kordhin doono masraxa siyaasadda iyo xitaa tartanka madaxtinimada oo haatan u muuqda mid meel xasaasi ah maraya.

Wararka doorashada 2016-ka, Kala Soco mar walba, Goobjoog News