U bood dhigaalka

Waa Kuma Ninka Qatariga Ah Ee Lagu Eedeeyey Qaraxyada Ka Dhaca Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

Khaliifa Kaayid Al-muhindi,  waa ganacsade u dhashay dalka Qatar sida uu isagu sheegto, laakin waxaa la leeyahay waa sirdoon dhar cad, mas’uulna ka ah maalgelinta argigixisada.

Ninkan waa saxiibka dhow iyo garabka midig ee amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad, waxaana la sheegaa inuu u raaco safarafa dibadda ah sida booqashadii  ay ku tageen dalka Indonesia sanadkan bilowgiisa Janaayo 2019-kii.

Kaayid Al-muhindi, waxaa lagu eedeeyey in uu si toos ah u maalgeliyo kooxaha argigixisada jooga dalalka Libya,  sida uu sheegay afhayeenka ciidamada dalkaasi Axmed Al-mismaari 2017-kii, isaga oo intaasi raaciyey inuu Al-muhindi 8 Bilyan oo Dolar uu ka diray akoonkiisa, kuna diray Bank ku yaala Tunis, waxaa kale uu gacan siiyey kooxo jooga Suuriya, Soomaaliya,

Wageys Ingiriis ah ayaa horay u qoray inuu qaabilsanaa sirdoonka Qatar ee Tunis, iyada oo lagu helay inuu maal-geliyey kooxo argigixiso ah, oo ku sugan waqooyiga Afrika.

Dowladda Qatar ayaa iska fogeysay inuu Khaliifa Kaayid Al-muhindi matalo ama mas’uul rasmi ah yahay, iyada oo sheegay iney ixtiraamo qarannimada dalalka, Laakin Dooxa marna ma inkirin inuu Khaliifa Kaayid Al-muhindi la soo xiriiray safiirkooda Muqdisho, sidoo kale ma beenin macluumaadka ay qortay New York Times.

New York Times ayaa todobaadkan daabacday qoraal sheegaya iney heleen wada hadal dhanka Telefanka ah oo dhex maray Khaliifa Kaayid Al-muhindi iyo safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamsa Haashim, kaas oo ninka hore uu ugu bishaareynayo safiirka iney xulafadooda qarax ka filiyeen magaalada Boosaaso, ee bariga Soomaaliya si ay halkaasi Imaaraadka uga ceyriyaan.

Ma aha wax qarsan loolanka Imaaraadka iyo Qatar, laakin waxaa cusub iney si bareer ah ku dagaalaan gudaha dhulka Soomaaliya.

Goobjoog News