U bood dhigaalka

Waa Kuma Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka?

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyuhu waxa uu Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxa uuna Dugsiga Sare ku dhameeyay isla Burtinle, 2003.

Heerka koowaad Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay Dalka Pakistan, gaar ahaan Islamabad asaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka. Shahaadada B.A ayuu isla Jaaamacadda ka qaatay.

Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay isaga oo qaatay shahaadada 2-aad ee LLM ee dhanka Sharciga, gaar ahaan Xeerarka Ganacsiga (Commercial Law).

Xeer Ilaaliyuhu waxa uu ka soo shaqeeyey gudaha dalka iyo dibaddaba:

– Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Pakistan.
– Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Pakistan2013.
– La-taliye Sharci asagoo la shaqeeyay wasaaraddaha Puntland.
– Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna Bare ka tirsanaa, ee Puntland State University ee Garoowe.
– Agaasimaha Xarunta Gargaarka Sharciga ah ee Jaamacadda PSU 2017
-Madaxa Waaxda Toosinta iyo Sharciyada. Hay’adda: AMAL EXPRESS AND AMAL BANK. 2015-2016.
– Lataliye Sharci iyo Dastuur: Hay’adda: Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka, 2018
– Aas-aase, ahna Guddoomiye Kuxigeenkii Xarunta Gargaar ee ka shaqeysa Adeegyada dhanka sharciga iyo xuquuqda garsoor ee loogu qareemayo dadka danyarta ah.
– Garsoore Maxkamadda Sare ee Dalka 2018-2019.

Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd 2018.

Ugu dambeyn, shalay ayaa loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.